Barrack Obama oo Rajadiisu Cirka Marayso iyo Hillary Clinton oo loogu Baaqay inay Is-dhiibto

Barrack Obama oo Rajadiisu Cirka Marayso iyo Hillary Clinton oo loogu Baaqay inay Is-dhiibto.
Musharaxa madow ee Barrack Obama ayey u soo hoyatay rajo fiican oo uu ku hanan karo inuu noqdo murrashaxa xisbiga Dimoqraadiga ugu tartami doona doorashada jagada Madaxweynaha Maraykanka, kadib markii uu guulo waaweyn ka soo hooyey gobollada North Carolina iyo Indiana ee dalka Maraykanka, isaga oo gebi ahaanba cirka ku laalay rajadii yarad ee ay haystay haweenayda la loollamaysa ee Hillary Clinton.
Mr. Obama ayaa u muuqda inuu noqon doono Madaxweynaha madow ee abid soo mara taariikhda dalka Maraykanka, haddii uu ku soo baxo mashuraxnimada xisbiga Dimoqraadiga, isla markaana ka guuleysto musharaxa xisbiga sumcadiisa uu la deggay dagaalka Ciraaq iyo qalalaasaha ka taagan Bariga Dhexe ee Jamhuuriyga John McCain.
Arrintaasna waxa muujinaya sida weyn ee ay dadweynaha Maraykanku u siiyeen Obama intuu uu socday tartanka xisbiga dimuqraadiga dhexdiisa, isaga oo cododka u badanna ka helay dadka hal-doorka Maraykanka ah iyo qoomiyadaha madowga ah ee ku dhaqan waddankaas.
Guulishii uu Barrack Obama ugu quusgooyey Hillary Clinton ee ka dhacday North Carolina iyo cidhiidhigii uu galiyey codbixintii Indiana oo ay Hillary Clinton kaga guuleystay faro cidiyahood, ayaa ka dhigaya in uu xoog ugu dhow yahay inuu noqdo musharaxa u soo bixi doona xisbiga Dimoqraadiga ee ka qayb gali doona doorashada guud ee dalkaas ka dhici doona bisha November ee soo socota.
Waxaanna isa soo taraya dhawaaqa ka imanaya xisbiga Dimoqraadiga ee lagaga dalbanayo Hillary Clinton inay isaga hadho tartanka oo u hanayso musharaxa madow ee Barrack Obama, iyada oo dhawaaqa ugu kaga yimi George McGovern oo ah musharaxii dimoqraadiga lagaga guuleystay doorashooyinkii 1972-kii ka dhacay Maraykanka, isla markaana ka mid ah ragga ugu miisaanka culus ee ku jira ergooyinka mustaqbalka go’aanka ka gaadhi doona Obamai iyo Hillary ka ay ku aaminayaan inuu noqdo musharaxa xisbigooda ula tartamaya ninka u taagan xisbiga ay sida weyn isku hayaan ee Jamhuuriga.
“Iima muuqato tallaabo ay Hillary Clinton ugu guuleysanayso musharanimada, Barrack Obama ayaana xoog uga horreeya xagga ergooyinka, waxaanan ku rajoweynahay in ay Hillary Clinton is dhiibi doonto, kana shaqayn doonto isku soo dhawaynta iyo midnimada xisbiga dhexdiisa, taasna kalsooni weyn baanu ku qabnaa,” ayuu yidhi George McGovern.
Laakiin, Hillary Clinton oo iyada qudheeduba quustaagan ayaa haddana ku adkaysatay in aanay sinaba isku dhiibi doonin ilaa iyo inta go’aan rasmi ah laga gaadhayo musharaxnimada xisbiga, iyada oo dayn farabadan u gashay sidii ay dhinaca dhaqaalaha ugula tartami lahayd Obama oo isagu hanti badan ka helaya taageerayaashiisa, waxaanay shaaca ka qaaday inay toddobaadkan oo qudha ammaahatay $6.4 milyan, iyada oo horena loogu lahaa dayn dhan $5 milyan, kaas oo carqalad kale ku noqotay ololaha ay ugu jirto musharaxnimada xisbiga dimoqraadiga.
Sida oo kale Barrack Obama oo da’diisu tahay 46 jir oo 14 sanno ka yar gabadha tartanka ka dhexeeyo ee Hillary Clinton oo iyada cimrigeedu cagacagaynayo 60 sanno, ayaa sheegay inay u soo uruyso neecowda guusha ee uga imanaysa taageerayaasha xisbiga dimoqraadiga, waxaannu ugu baaqay inay u midoobaan sidii ay Bush iyo saaxiibadiis uga soo saari lahaayeen guriga cad ee looga taliyo Maraykanka.
“Waxa innooga dhiman musharxnimada madaxtinimada ee xisbiga dimoqraadiga iyo guusha aynu filayno 20 ergooyin oo qudha, waxaanna la innooga baahan yahay xisbi qudha oo isku duuban oo ujeeddo iyo aragti qudha wadaaga, waayo waxaynu doonaynaa in aannu John McCain guriga cad galin, si uu u noqdo Bush oo marsaddexaad innoogu soo noqda,” ayuu yidhi Obama isaga oo kumanaan taageerayaashiisa ah la hadlayey.
Dadka siyaasadda Maraykanka indho-indheeya ayaa sheegaya in xitaa haddii ay labada musharax isla gaadhaan inay ergooyinka guud kala reebaan uu halkaa jaanis weyni uga bannaan yahay Barrack Obama oo isagu xoog uga horreeya dhinaca ergooyinka gabadha tartanka ba’ani ka dhexeeyo ee Hillary Clinton.