Wargelin iyo Talo siinta howlaha Is-dhexgalka.(Integration) ee Degmada Zürich oo loo marayo

Stadt Zürich
Integrationsförderung
Postfach, 8022 Zürich
Bäckerstr. 7, 8004 Zürich
Tel. 044 412 37 37
Fax 044 412 37 42
www.stadt-zuerich.ch/integration

Wada noolaanshaha Zürich

Wargelin iyo Talo siinta howlaha Is-dhexgalka.
Xafiiska dhaqdhaqaaqa Is-dhexgalka (Integration) ee Degmada Zürich oo loo marayo
waaxda wargelinta oo loogu magacdaray Miiska soo dhaweynta
Miiska Soo dhaweynta wuxuu ku siinayaa Wargelin iyo Talo nooc kastaba leh ; waana howl
bilaash ah ama lacag la’aan ah, (Kostenlos), haddii aad timaado waaxda wargelinta ee xafiiska
Is-dhexgalka (Integration), xataa haddii aad nala soo xiriirto
Xafiiska waaxda Is-dhexgalka wuxuu u dhow yahay Joogsiga Tramada (Haltstelle) “Stauffacher”,
wuxuuna ku yaalaa wadada Bàckerstrasse 7, xafiisku wuxuu u furan yahay bulshada
laga billaabo Isniinta ilaa Jimcaha,Saacadaha 13.30 ilaa 16.00 galabnimo, balse
maalinta Talaadada.wuxuu xafiiska furan yahay 13.00 ilaa 18.00saac.
• Run miyaa in magaalada Zürich ay ku nool yihiin dad ka kala yimaaday 160 Wadan
ee Caalamka?
Waxaan awoodi karnaa in aan wax ka qabanno xaaladaha iyo dhacdooyinka dadka Socdaalka
ah (Migration) iyo Is-dhexgalkaba, waanu ku faraxsan nahay in aan ku siino wargelinta aad doonaysid.
• Ma Waxaa jira Waxbarasho gaaban ee Afka Jarmalka ah, adigoo laguu haynayo Caruurtaada?
Waxaan awoodi karnaa inaan idin raadino waxbarasho gaaban ee Afka Jarmalka ah oo
degmada Zürich idinku kaalmeyso (Angebote).
• Sidee uu u soconayaa qaabka dugsiyada?Waa kuwee Ururrada jira? Ma rabtaa inaad
shaqeyso?
Waan naqaannaa weydiimada ama Su’aalaha dadka goor dhow imaaday Zürich, waana kaalmeyn
karnaa,annago ku hanuuninayno sida ay ula qabsan la haayeen magaalada Zürich.
• Waxaa jira Takhaatiir ku hadla Afka Talyaniga,Spanish-ka?Maxaa la iga doonayaa,
haddii aan weydiisanayo dhalashada Swiss-ka?
Waan garanaynaa dhammaan wixii howl ah ee magaalada Zürich, waxaan awoodi karnaa in aan
idinka siino wixii wargelin ah aad uga baahan tihiin Xafiisyada awoodaha leh.
• Waa kuwee hey’adaha aan weydiisan karno maalgelin, haddii aan doonayno in aan
sameysano mashruuc aan ku dhisayno aayaheena ama mustaqbalkeena?
Waan awoodnaa in aan war idinka siino,wixii la xiriira mashruucyada Isdhexgalka ee magaalada
Zürich, waxaana idinka kaalmayn karnaa diyaarinta mashruuca aad doonaysaan.
Haddii aad qabtaan su’aalo kala duwan caadi ah ama rajeynaysaan in talo sal-ballaaran oo gaar
ah la idin siiyo, waan ku faraxsan nahay in waqti badan idin siino; na soo weydiista ballanta, si
aan idin siino talo keli keli ah waa lacag la’aan (Kostenlos), soo waca telefonkan
044 412 37 37, ama si toos ah u imaada Miiska soo dhaweynta.xattaa waxaan awoodi karnaa
inaan idin qabano howl tarjumad ah. Haddii aad rabtaan tarjume codsigiina ayuu ku xiran yahay,
balse haddii aad doonaysaan Talada keli keli ah, waxaan idinka codsanaynaa inaad na soo gaarsiisaan
codsigiina.
Waxaad si toos ah nagala soo Xiriiri kartiin Dariishada Miiska soo dhaweynta Ama Webkan
www.stadt-zuerich.ch/integration